DEG-DEG: Chelsea Oo Inter Milan Kala Heshiisay Saxiixa Romelu Lukaku

Chelsea ayaa dhameystireysa heshiis £ 115million ah oo ay Romelu Lukaku dib ugu soo celinayso Stamford Bridge sida ay sheegayaan wararku.

Wadahadaladii ay chelsea kula jirtay Inter Milan ayaa dhamaad ku dhaw maanta oo sabti ah kadib maalmo ay labada kooxood ka wadahadalayeen qiimaha xiddiga.

Lukaku ayaa ogolaaday in uu ku soo laabto chelsea dhankiisa waxana uu maamulak Inter Milan ka codsaday in ay aqbasho Dalabka chelsea isaga oo heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Chelsea.

Wargayska Daily Mail ayaa haatan sheegaya in ay chelsea Qiimaha xiddiga kala heshiisay kooxda Inter Milan isaga oo dib ugu laaban doona Blues oo uu horay ugu fashilmay.

Xiddiga Romelu Lukaku ayaa noqon doona saxiixa ugu qaalisan taariikhda kooxda chelsea marka uu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Chelsea maalmaha soo socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*