Chelsea ayaa go’aan ka soo saartay baacsiga xiddiga Bournemouth ee Antoine Semenyo kaas oo lala xidhiidhinayay kooxo badan oo reer Yurub ah.
Kooxda Chelsea ayaa go’aamisay in ayna sii wadin baacsiga xiddiga kooxda Bournemouth ee Antoine Semenyo sida uu sheegay saxafiga Ben Jacobs.
Jacobs ayaa sheegay in ay Chelsea gabi ahaan joojisay dadaaladii ay ku doonaysay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Antoine Semenyo.
Go’aankan ayaa imanaya kadib markii ay Chelsea wadahadalo la furtay kooxda Bournemouth Iyo waliba xiddiga laftiisa saacadihii u dambeeyay.
Blues ayaa rumaysan in ay haysto xiddigo ku filan dhinaca weerarka waxana ay doonayaan in ay muhiimada siiyaan xiddigaha ay haatan haystaan.
Be the first to comment