DEG-DEG: Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxiix Kale.

Kooxda Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa Willian Estevão kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Palmeiras.

Xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.

Inkasta oo uu yahay 17 sano jir hadana waxa uu magac ku samaysatay South America isaga oo ku caan ah orodka badan Iyo waliba farsamooyinka lagu aafo daafaca.

Estevao ayaa 10 jeer u ciyaaray horyaalka Serie A ee Brazil kooxda Palmeiras, isagoo u dhaliyay labo gool, labo kalena caawiyay.

Waxa uu sidoo kale shabaqa soo taabtay Copa Libertadores iyo Copa do Brasil.

Estevao waxa uu Chelsea kula biirayaa xiddigaha ay isku dalka yihiin ee Andrey Santos, Deivid Washington iyo Angelo Gabriel.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga