DEG-DEG: Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Presnel Kimpembe.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo dhan 40 milyan ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee kooxda PSG ee Presnel Kimpembe.

Blues ayaa la soo saxiixatay haatanba xiddiga Kalidou Koulibaly kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Napoli kana saxiixatay heshiis 4 sano ah.

Si kasta ha ahaatee Tuchel ayaa wali doonaya xiddig kale oo difaac ah maadama uu laba daafac waayay kuwaas oo kala ah Andreas Christensen & Antonio Rudiger.

Haatan Blues ayaa la sheegayaa in ay dalab 40 milyan oo euro ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Presnel Kimpembe.

Tababare Tuchel ayaa ah shaqsiga dalbaday in ay cheslea u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer France maadama uu xidhiidh fiican la leeyahay xiddiga.

Tuchel iyo Presnel Kimpembe ayaa ka soo wada shaqeeyay kooxda PSG markii uu Tababaraha Blues hogaaminayay kooxda reer France.