DEG-DEG: Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara Atletico Madrid & Jawaabtii Ay Blues Heshay.

Kiixda chelsea ayaa dalab ka gudbisay xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Samu Omorodion sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Blues dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga Samu Omorodion si ay u hesho saxiixiisa suuqa xagaaa.

Chelsea ayaa dalab 30 milyan ah miiska u saartay kooxda Atletico Madrid si ay u hesho saxiixa Samu Omorodion.

Si kasta ha ahaatee Atletico Madrid ayaa isla markiiba diiday dalabka kooxda chelsea ku doonayso saxiixa xiddiga.

Atletico Madrid ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga reer Spain kaas oo ay u aragto xiddig mustaqbal ku leh kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga