DEG-DEG: Chelsea Heshiis La Gaadhay Liam Delap.

Kooxda Chelsea ayaa heshiis la gaadhay xiddiga kooxda Ipswich Town ee Liam Delap sida ay sheegayaan wararku.

Blues ayaa doonaysa in ay Liam Delap ka dhigto saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda Ipswich.

Xiddiga Liam Delap ayaa ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu u saxiixayo kooxda Chelsea.

Chelsea ayaa saxiixa Liam Delap ku garaacaysa kooxda Man United oo doonaysay saxiixiisa.

Blues ayaa xiddiga ku qancisay ka qayb galkooda champions League xilli ciyaareedka soo socda Iyo wali mushahar sare.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga