DEG-DEG: Chelse Oo SI Rasmi Ah U Xaqiijisay In Ay Tababare Cusub Ka Dhigatay Thomas Tuchel.

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu Thomas Tuchel noqday tababarohooda cusub isaga oo shaqada ka badalay Tababare Frank Lampard.

Thomas Tuchel ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano iyo badh ah oo uu ku hogaamin doono kooxda Chelsea kadib markii uu ka tagay kooxda PSG bishii Hore.

Tababare Thomas Tuchel ayaa kooxda chelsea iman doona kadib markii uu xilli ciyaareedkii hore kooxda PSG geeyay Final-ka tartanka champions League.

“Waxa aan doonayaa in aan u mahad celiyo Chelsea kadib kalsoonida ay i siiyeen aniga iyo shaqaalahayga tababarka”ayuu Tuchel yidhi markii lagu dhawaaqay Hehsiiska.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan ka shaqayn doono horyaalka ugu xiisaha badan waxana aan ku faraxsanahay in aan ka qayb noqdo chelsea”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Arin Oo Dhici Doona Kaliya Hadii Aad Noloshaada Ku Haysto Gabadha Saxda Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*