DEG-DEG: Borussia Dortmund Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Ugu Horeeyay Ee Ay Man United Ka Gudbisay Jadon Sancho.

Kooxda Man United ayaa durba muujiyay rabitaankooda ah in ay xagaagan dhisana koox xilli ciyaareedka dambe u tartanta horyaalka premier League iyaga oo dalab 89 milyan ah ka gudbiyay saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Laakiin Borussia Dortmund ayaa si deg-deg ah u diiday saxiixa dalabka ay Man United ka soo gudbisay saxiixa xiddiga reer England iyaga oo dalabanaya lacag ka badan 100 milyan oo euro.

Sancho ayaa lala xidhiidhinayay ku biirista Man United tan ilaa xagaagii hore iyada oo ay kooxda ku ciyaarta Old Trafford doonayso in ay xiddiga 21 jirka ah ku xoojiso kooxda.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Dortmund dalabanayso lacag dhan 109 milyan oo euro hadii ay doonayso in ay iska iibiso xiddiga ugu fiican kooxdeeda xilli ciyaareedkan.

Sancho ayaa isku diyaarinaya in uu dib ugu soo laabto tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Dortmund maalinta khamiista.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Dani Oo Kashifay Cida Ka Dambaysay Xil Ka Qaadistii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*