DEG-DEG: Bayern Munich Oo Wadahadalo Kula Jirta Sadio Mane Si Ay Ula Wareegto Xiddiga

Bayern Munich ayaa dooneysa inay la soo wareegto Sadio Mane xagaagan ka dib markii ay wadahadalo la yeelatay wakiilkiisa sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Germany.

Wakiilka Mane, Bjorn Bezemer, ayaa kala hadlay agaasimaha ciyaaraha Bayern Hasan Salihamidzic in weeraryahanka Senegal uu noqdo saxiixooda suuqa xagaaga.

Heshiiska Weeraryahanka 30 jirka aha ee Liverpool ayaa dhici doona xagaaga 2023 waxana ay kooxdu ilaa haatan ku dhibaatoonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Bayern ayaa lagu soo waramayaa in ay Mane ka dhigi doonto saxiixooda ugu weyn ee suuqa xagaaga si ay kooxdu ugu tartanto champions League xilli ciyaareedka dambe.

Mane ayaa ka mid ah xiddigaha weerarka ka ciyaara ee ugu fiican wakhti xaadirkan iyada oo loo saadaalinayo in uu ku tartamo abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan.