Baska Xiddigaha Real Madrid Oo La Wareeray Xilli Ay Ku Socdeen Anfield.

Taageerayaasha Liverpool ayaa weeraray baska ay saarnaayeen xiddigaha Real Madrid xilli ay ku wajahnaayeen garoonka Anfield ee ay ciyaaru ka dhacayso.

Waxa la helay muuqaal muujinaya daaqada Baskii ay saarnaayeen xiddigaha Real Madrid oo la badalayo kadib marka ay xiddiguhu ka dageen isla markaasna galeen garoonka Anfield.

Saxafiyiin badan ayaa sheegaya in ay jiro mid ka mid ah shaqaalaha tababarka oo ku dhaawacmay dhacadada kadib markii wax lagu tuuray baabuurka ay saarnaayeen xiddigaha Real Madrid.

Taaeerayaal badan ayaa ku soo uruuray Dibada Anfield si ay taageero ugu muujiyaan xiddigaha kooxdooda waxana ay shiideen baskii ay saarnaayeen xiddigaha kooxda Real Madrid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*