DEG-DEG: Barcelona Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Robert Lewandowski

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay saxiixa Robert Lewandowski kala heshiisay kooxda Bayern Munich kadib wadahadalo muddo dheer socday.

Barcelona ayaa ogolaatay in ay bixiso lacagtii ay doonaysay Bayern Munich taas oo keentay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga reer Poland.

Robert Lewandowski ayaa noqon doona saxiixi 4-aad ee ay samayso kooxda Barcelona suuqa xagaagan kadib xiddigaha Franck Kessié, Andreas Christensen Iyo Raphinha.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa haatan u duulaya dalka USA halkaas oo uu kula kulmi doono saaxiibadiisa cusub isla markaas tijaabada caafimaadka ugu mari doono kooxda.

Warkan ayaa imanaya kadib markii ay Bayern Munich sidoo kale xaqiijisay in ay xiddiga Robert Lewandowski ka iibisay kooxda Barcelona.