DEG-DEG: Barcelona Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig Muhiim U Ah Kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn heshiis la gaartay xiddiga da’yarka ah ee Pedri si uu qalinka ugu duugo kooxda heshiis cusub oo uu kula sii joogi doono kooxda.

Pedri ayaa muhiim ka noqday kooxda Barcelona sanadihii ugu dambeeyay waxana ay ay kooxdu doonaysaa in ay sii haysato xiddiga reer Spain.

Xiddiga da’yarka ah ayaa kooxda kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 dhici doona laakiin waxa ay haatan ka saxiixatay heshiis intaas ka fog.

Saxafiga Fabrizio Romano Ayaa haatan sheegay in ay Barcelona iyo Pedri si Rasmi ah isla meel dhigeen heshiiska cusub ee uu xiddigu ku sii joogi doono kooxda.

Pedri ayaa qalinka ku duugi doona heshiis uu Barcelona ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2026 iyada oo haatan ka hadhsantahay in la shaaciyo oo kaliya.

Waxa intaas sii dheer in ay Barcelona heshiiska xiddiga ku dartay lacag dhan 1 bilyan oo euro kaas oo lagu jabin doono heshiiska xiddiga inta uu kula jiro kooxda heshiiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*