DEG-DEG: Barcelona Iyo Leeds Oo Ku Dhaw In Ay Ka Heshiiyaan Saxiixa Raphinha

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay Leeds United kala heshiiso saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Raphinha sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga ku dhaw Barcelona ee Gerard Romero Ayaa sheegaya in wadahadalada u dhexeeya labada kooxood uu ku dhawyahay in uu dhamaado.

Kooxda Barcelona ayaa Leeds United miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 60 milyan oo euro waana mid la mid ah lacagta ay kala heshiisay kooxda chelsea.

Saxafiga Gerard Romero ayaa sheegaya in ay labada kooxood ku dhawyihiin in ay heshiis buuxa ka gaadhaan saxiixa xiddiga reer Brazil.

Waxa intaas sii dheer in ay kooxda Barcelona iyo Raphinha mar hore isla meel dhigeen heshiiska shaqsiga ah.

Xiddiga Raphinha ayaa iska diiday kooxaha Chelsea iyo Arsenal isaga oo ka doorbidaya ku biirista kooxda Barcelona.