DEG-DEG: Barcelona & Bayern Munich Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Wadahadalo Ku Saabsan Robert Lewandowski

Kooxda Barcelona ayaa wadahadalo Rasmi ah oo ku saabsan xiddiga Robert Lewandowski la furtay kooxda Bayern Munich sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romanoa ayaa sheegay in ay kooxaha Bayern iyo Barca si Rasmi ah u wada fadhiisteen miiska wadahadalada si ay uga hadlaan xiddiga Robert Lewandowski.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Barcelona dhigeeda Bayern munich miiska u saartay dalabkii ugu horeeyay ee ay ku doonaysay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara.

Si kasta ha ahaatee kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa lacag ka badan dalabka ay kooxda Barcelona miiska saartay si ay u hesho xiddiga Robert Lewandowski.

Wadahadalada ayaa haatan ku jira marxaladihii ugu horeeyay wax heshiis ahna ma dhawa in ay labada kooxood ka wada gaadhaan heshiiska.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa dhankiisa doonaya in uu ku biiro kooxda Barcelona heshiiska shaqsiga ah ayaana la sheegayaa in ayna wax dhibaato ahaan doonin.