DEG-DEG: Atletico Madrid Vs Barcelona Iyo Isku Aadka Copa Del Rey-ga Oo La Soo Saaray.

Waxaa maanta oo Jimce ah xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Spain lagu qabtay xafladda isku aadka semi-finalka Koobka Boqorka Spain (Copa del Rey) ee xilli-ciyaareedka 2025/2026, taasoo soo saartay laba kulan oo aad loo sugayo kana ballanqaadaya xamaasad iyo tartan adag.

Isku aadku wuxuu dhaliyay kulan culus oo dhex mari doona Atlético Madrid iyo Barcelona, halka Athletic Bilbao ay wajihi doonto Real Sociedad, kulammo lagu tilmaamay inay yeelan doonaan heer farsamo oo aad u sarreeya.

Wareegga semi-finalka waxaa lagu ciyaari doonaa laba lug (guri iyo marti), kaddib markii wareegyada hore ee tartanka lagu ciyaarayay hal kulan oo keliya, taasoo siinaysa koox kasta fursad weyn oo ay ku sixi karto natiijo kasta una dagaallanto u soo bixidda finalka.

Waxaa la qorsheeyay in kulamada lugta hore la ciyaaro 10 ama 11 ama 12 Februay, halka kulamada lugta labaad ay dhici doonaan 3 ama 4 ama 5 March.

Natiijooyinka isku aadka oo dhammaystiran:

  • Atlético Madrid × Barcelona

  • Real Sociedad × Athletic Bilbao

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga