DEG-DEG: Arsenal Oo Xaqiijisay Mudada Uu Kieran Tierney Ka Maqnaan Doono Garoomada Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay

Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xaalada dhaawac ee xiddiga Kieran Tierney kaas oo haatan la ogaaday mudada uu ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawacii jilibka ahaa ee soo gaadhay.

Xiddiga Kieran Tierney ayaa haatan la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono inta u dhexaysa 4 ilaa 6 todobaad kadib markii uu dhaawacu soo gaadhay.

Daafaca Bidix ee Kieran Tierney ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Liverpool Sabtidii kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in uuna Kieran Tierney qaliin uga baahnaan doonin jilibka laakiin maqnaan dooo inta u dhexaysa 4 ilaa 6 todobaad.

Arintaas ayaa la macno ah in uu xiddiga 23 jirka ah seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kooxda Arsenal inkasta oo uu ka qayb qaadan karo kulamada Euro ee la ciyaari doono xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga:Imisa Jeer Ayaad Gabadha U Sheegi Kartaa In Aad Jeceshahay?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*