
Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Real Madrid.
Xiddiga Martin Odegaard ayaa kooxda Arsenal u saxiixay heshiis 6 bilood ah oo uu kula joogi doono kooxda Inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Xiddiga Martin Odegaard ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay kooxda Arsenal samaysay intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga ee Bisha January.
Xiddiga Martin Odegaard ayaa noqday xiddigii 2-aad ee Amaah ugaga soo biiray Arsenal kooxda Real Madrid iyaga oo horay ugala soo saxiixday xiddiga Dani Ceballos.
Xiddiga Martin Odegaard ayaa noqday saxiixii 3-aad ee Gunners ee suuqa January isaga oo ay kooxda kaga soo horeeyeen xiddigaha Omer Rekik iyo Matt Ryan.
Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Saddex Nin Oo Ayna Dumarku Waligood Ku Soo Noqon Wax Walba Oo Dhaca
Be the first to comment