DEG-DEG: Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Dhaawac Xiddig Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Aston Villa.

Kooxda Arsenal ayaa war xun heshay ka hor kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Aston Villa kulan ka tirsan premier League.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu xiddiga Declan Rice seegayo kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso Aston Villa premier League.

Xiddiga ayaa ku dhaawacmay kulankii Brighton ee bilowgii todobaadkan taas oo keentay in uu seego kulanka Villa.

Declan Rice ayaa ka dhaawacmay jilibka isla markaas kooxdu ma doonayso in ay halis galiso xiddiga Khadka dhexe.

Warkan ayaa ah mid u xun Arsenal marka la eego in uu yahay xiddig muhiim u ah Khadka dhexe ee kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga