DEG-DEG: Arsenal Oo Si Rasmi Ah U Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Pierre-Emerick Aubameyang Ayaa Arsenal qalinka ugu duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku noqon doono xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.

Arsenal ayaa qaab aan horay loo arkin u shaacisay heshiiska cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang kadib markii ay Muuqaal Live ah ku soo bandhigtay bogeeda iyada oo uu Pierre-Emerick Aubameyang afkiisa ka xaqiijiyay in uu saxiixay heshiis cusub.

Pierre-Emerick Aubameyang oo ka hadlaya heshiiska cusub ayaa yidhi”Taageerayaasha Arsenal, waxa aan ugu dambayn saxiixay heshiisii”.

“Run ahaantii aad ayaan u Naxsanahay sababta oo ah dad badan ayaa sugayay maalintan oo kale”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan sii joogo kooxda, waliba in aan noqdo Halyeey kooxda Ah”ayuu hadalkiisa.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*