DEG-DEG: Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Willian kaas oo qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah.

Willian ayaa qalinka ku duugay heshiis uu todobaadkii ku qaadan doono lacag dhan 220 kun oo Gini kadib markii uu ku soo biiray Emirates Stadium.

Imaatinka Xiddiga 32 jirkan ayaa lagu xaqiijiyay Twitter-ka isaga oo qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah isaga oo kooxda u xidhan doona Lambarka No.12.

Willian ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal ee suuqa xagaagan isaga oo kooxdiisa cusub todobaadka dambe kula biiri doona isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan noqday Xiddig Arsenal ah, ma sugi karo in aan bilaabo tababarka lana kulmo xiddigaha aan isku kooxda ahay”ayuu Willian yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*