DEG DEG: Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Hishiiska Ben White

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ben White kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Brighton.

Daafaca dhexe ee Ben White ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay kooxda Arsenal samayso suqua xagaagan iyaga oo ka saxiixday lacag dhan 50 milyan oo euro.

White ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda Arsenal isaga oo ku biiray saxiixyada ugu qaalisan ee taariikhda kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa xiddiga White badal toos ah uga dhigaysa xiddiga David Luiz kaas oo ka tagay kooxda Kadib markii uu dhacay heshiiskiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*