DEG-DEG: Arsenal Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Emile Smith Rowe

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Emile Smith Rowe qalinka ku duugay heshiis cusub oo wakhti fog ah oo uu ku sii joogi doono kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ayaa la joogay Arsenal tan ilaa markii uu 9 sano jirka ahaa isaga oo soo maray Akademiyada kooxda una soo ciyaaray xiddigaha da’yarka kooxda.

Xiddiga ayaa kooxda 1-aad loo soo dalacay xilli ciyaareedkii hore isaga oo tartamada oo dhan u saftay kooxda 33 kulan tartamada oo dhan.

Mustaqbalka xiddiga ayuu shaki ku jiray bilihii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayay kooxda Aston Villa kuwaas oo doonaysay saxiixiisa si ay ugu xoojiso kooxda.

Laakiin xiddiga ayaa ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono isaga oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Gunners.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*