DEG-DEG: Arsenal Oo Dhamaystirtay Saxiixa Oleksandr Zinchenko

Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Oleksandr Zinchenko sida ay sheegayaan wararku.

Man City iyo Arsenal ayaa heshiis buuxa ka gaadhay saxiixa xiddiga Oleksandr Zinchenko iyada oo Arsenal ka bixin doonto saxiixa xiddiga lacag dhan 30 milyan oo euro iyo 2 milyan oo guno ah.

Arsenal ayaa sidoo kale heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Oleksandr Zinchenko kaas oo ogolaaday in u ku biiro kooxda Ku ciyaarta Emirates.

Xiddiga Oleksandr Zinchenko ayaa kooxda Arsenal u saxiixi doona heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda uu hogaamiyo Mikel Arteta.

Xiddiga reer Ukriane ayaa haatan isku diyaarinaya in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Arsenal saacadaha soo socda si uu u dhamaystiro heshiiska.