DEG-DEG: Arsenal Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Manuel Locatelli, Laakiin….?

Maamulaha kooxda Sassuolo Giovanni Carnevali ayaa xaqiijiyay in Arsenal ay si rasmi ah dalab uga gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manuel Locatelli ka dib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tartanka euro 2020.

Xiddiga khadka dhexe ee Locatelli ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tartankii euro 2020 isaga oo xulkiisa Italy kula guulastay tartanka.

Kooxda Arsenal iyo kooxda Juventus ayaa ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe waxana haatan la xaqiijiyay in ay Arsenal dalab 34 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga.

Carnevali ayaa u sheegay Sky Sport Italia: “Berri waxaan xiriir toos ah la yeelan doonnaa Juventus, kuwaas oo doonaya saxiixa Locatelli, xiddiga laftiisu waxa uu doonayaa in uu ku biiro Juventus”.

“Waan ku faraxsanahay in aan iibino Manuel Locatelli ka iibino Juventus laakiin waa in ay bixiyaan qiimaha saxda ah”.

“Arsenal Lafteedu waxa ay ka soo gudbisay dalab Rasmi ah sidoo kale waxa jirta koox kale oo premier League ah oo doonaysa saxiixiisa”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*