DEG-DEG: Arsenal Oo Brighton Kala Heshiisay Saxiixa Ben White

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn Brighton kala heshiisa saxiixa daafaca dhexe ee Ben White sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa ogolaatay in ay bixiso lacagta 50-ka milyan ee ay dalbanayso kooxda Brighton si ay u iibiso xiddiga reer England xagaagan.

Arsenal ayaa ogolaatay kadib markii ay ku fashilantay laba dalab oo hore kuwaas oo kaal ah 40 iyo 45 milyan oo ay kooxda Brighton si cad u diiday.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa ka mid noqon doona daafacyada ugu qaalisan England ee taariikhda kubada cagta.

Arsenal ayaa bar-baryan doonta lacagtii ay Man United xagaagii 2019 ka bixisay daafaca Midig ee Aaron Wan-Bissaka.

Heshiiska shaqsiga ayaa wakhti hore la dhamaystiray iyada oo uu xiddiga reer England ogolaaday in uu ku biiro una saxiixo Gunenrs heshiis 5 sano ah.

Xiddiga ayaa mari doona tijaabada caafimaadka Arsenal marka uu dhamaysto fasaxa uu ku jiro kadib markii uu xulka qaranka England kala qayb qaatay tartanka Euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*