DEG-DEG: Arsenal & Man City Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Gabriel Jesus, Goorma Ayuu Ku Biiri Doonaa Gunners?

Arsenal ayaa heshiis afka ah la gaartay Man City si ay ula saxiixato weeraryahanka Gabriel Jesus sida laga soo xigtay saxafiga Ben Jacobs.

Xiddiga reer Brazil ayaa ah bartilmaameedka ugu sareeya ee Gunners kuwaas oo doonaya in ay ku buuxiyaan booska ay ka bexeen xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette.

Jesus ayuu 12 bilood oo kaliya uga dhimanyahay heshiiskiisa Man City laakiin Man City ayaa doonaysa in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 50 milyan oo euro.

Laakiin sida laga soo xigtay Jacobs, Labada kooxood ayaa isla meel dhigay heshiis afka ah si uu xiddiga Jesus u noqdo xiddig Arsenal ah dhamaadka bishan.

Isla saxafiga ayaa sheegay in ay Arsenal iyo xiddigu isla meel dhigeen heshiiska shaqsiga ah xiddiguna qalinka ku duugi doono heshiis wakhti fog ah.

Arsenal ayaa Jesus miiska u saari doonta lacag dhan 220 kun oo Gini todobaadkii isaga oo ka mid noqon doona xiddigaha ugu mushaharka badan Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*