Weeraryahanka Liverpool, Alexander Isak, ayaa qaaday tallaabo kale oo muhiim ah oo ku saabsan soo kabashadiisa kadib dhaawac canqowga ah oo ay ku jirtay jab lafaha.
Isak ayaa maqnaa tan iyo bishii December, kadib markii qalliin looga sameeyay dhaawac uu soo gaaray xilli uu gool dhalinayay kulan ay la ciyaareen Tottenham Hotspur.
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa Arbacadii u sheegay Liverpoolfc.com:
“Waxaan u maleynayaa in Alex uu ku jiro xaalad aad u wanaagsan, sababtoo ah Sweden waxay u soo baxday FIFA World Cup xalay, intaas waxaa dheer inuu berri markii ugu horreysay dib ula tababaran doono kooxda.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Haddii aad si adag u shaqeysay saddex ama afar bilood oo soo kabasho ah, markaas inaad dib ugu soo laabato tababarka kooxda waa arrin qof walba farxad gelinaysa. Sidaas darteed Alex dhinacaas wuu ku jiraa xaalad wanaagsan.”
Be the first to comment