DEG-DEG: Ajax Oo Arsenal Ka Diiday Dalabkii 2-aad Ee Ay Gunners Ka Gudbisay Lautaro Martinez

Kooxda Ajax ayaa Arsenal ka diiday dalab cusub oo ay ka gudbisay saxiixa daafaca dhexe ee Lautaro Martinez sida ay sheegayaan wararku.

Mikel Arteta ayaa xiddiga Lautaro Martinez u calaamasaday xiddig uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa xiddiga Lautaro Martinez oo ka ciyaari kara 3 boos horay looga diiday dalab ay ka gudbisay iyada oo Ajax diidantahay in ay lacag jaban ku iibiso xiddiga.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa ku fashilantay dalabkii 2-aad ee ay ka gudbisay xiddiga Lautaro Martinez.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal kooxda Ajax miska u saartay dalab cusub oo dhan 38 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa Lautaro Martinez.

Laakiin Ajax ayaa isla markiiba diiday dalabka iyaga oo Arsenal u sheegay in ay doonayaan lacag dhan 43 milyan oo euro si ay u iibiyaan daafaca dhexe.