DEG-DEG: 5 Xiddig Oo Xulka England Ka Maqnaan Doona Kulankooda Caawa Ee Italy

Tababaraha Xulka England Gareth Southgate Oo Kooxdiisa Caawa Wajahaysa Xulka Italy Ka Saaray 5 Xiddig

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa kooxdiisa uu caawa kaga hor tagi doono xulka Italy ka saaray 5 xiddig.

Weeraryahanka kooxda Brentford oo Ivan Toney oo markii ugu horaysay looga yeedhay xulka qarankiisa ayaa la sheegayaa in uu ka maqnaan doono kulanka caawa.

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson oo lagu badalay xiddiga dhaawacmay ee Kalvin Phillipes ayaa sidoo kale ka maqnaan doona kulanka caawa.

Xiddigaha daafaca ka ciyaara ee Marc Guehi & Ben Chilwell ayaa sidoo kale ka maqnaan doona kulanka adag ee caawa.

Ugu dambayn xiddiga John Stones ayaa ka maqnaan doona kulanka sabab la xidhiidha kaadhkii casaanka ahaa ee uu qaatay kulankii June ee Hungary.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*