Deco Oo Magacaabay 4 Xiddig Oo Ku Guulaysan Kara Abaalmarinta Ballon d’Or 2025.

Madaxa Barcelona, ​​Deco, ayaa magacaabay afar ciyaaryahan oo uu aaminsan yahay inay ku guuleysan karaan Ballon d’Or 2025.

47 jirkaan ayaa u magacaabay xiddigaha Barcelona Pedri iyo Lamine Yamal si ay ugu guuleystaan ​​​​Ballon d’Or sanadkan.

Deco ayaa sidoo kale magacaabay ciyaartoyda Paris Saint-Germain ee Vitinha iyo Ousmane Dembele kuwaas oo u sharaxan abaal marinta.

“Lamine waxa uu haystaa fursad uu ku guulaysto 2025 Ballon d’Or, sida Pedri, Dembele ama Vitinha,” Deco ayaa u sheegay La Vanguardia.

“Waxa ugu weyn ayaa ah inaan aragno Barcelona oo ku soo laabatay tartanka abaalmarinta.”

Ku guuleystaha abaalmarinta Ballon d’Or 2025 waxaa lagu dhawaaqi doonaa Sebtember.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga