Declan Rice Oo Ka Farxiyay Man United Miyuu U Imaanayaa Xagagaan?

Daafaca West Ham United ee Declan Rice ayaa lagu waramayaa in Harry Maguire iyo Luke Shaw ka wareystay xaaladda kooxdaas .

Laacib kaas 22 sano jirka ayaa ku jira xilli ciyaareed wacan waxaana si weyn u baacsaneysa United oo dooneysa in ay xagaagaan helaan

Wargeyska Manchester Evening News ayaa sheegaya in daafcaas dhexe qudhiisa u janjeero in kooxdiisa ku war giliyo in ay dhageystaan dalabka United ay ku dooneyso saxiixiisa .

United waxa ay damacsan tahay in hishiiska Race ay ku soo daraan Lingard oo haatan West Ham amaah ugu jooga kaasi oo dhigaya wacdaro la yaab leh balse warar ayaa sheegaya in macalin David Moyes diidan yahay arintaas.

Rice ayaa sidoo kale lala xariirinayaa kooxda Chelsea kuwaasi oo iyana doonaya in ay xagaagaan helaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*