Deadline Day: Man United Oo Wakhtiga Tartan Kula Jirta In Ay Dhamaystirto Saxiixa Jadon Sancho.

Maanta waa 10 bisha August sanadka 2020 waa maalintii ay kooxda Borussia Dortmund u qabatay Man United in ay ku dhamaystirto saxiixa xiddiga Jadon Sancho hadii ay doonayso saxiixa.

Borussia Dortmund ayaa ilaa haatan ku adkaysanaysa in ay hesho lacagta buuxda ee 110 milyan ee euro halka ay Man United arintaas diidantahay kaliyana diyaar u tahay in ay bixiso 80 milyan oo euro.

Inkasta oo ay ilo wareedyada qaar sheegayaan in ay Man United ku dhawdahay saxiixa xiddiga hadana Borussia Dortmund ayaa ilaa haatan ku adkaysanaysa in ayna arintaas waxba ka jirin.

Maalmihii la soo dhaafay waxa jiray warar sheegaya in ay United heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga laakiin waxa ka soo daba baxay warar arintaas beeninayay.

Sidoo kale Borussia Dortmund ayaa xaqiijisay in ayna jirin wax xidhiidh ah oo ay Man United kala samaysay arinta Jadon Sancho.

Isku soo wada duuboo Man United ayaa saacado u haysata in ay ku dhamaystirto saxiixa xiddiga ay bartilmaameedka ugu weyn ka dhigatay xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*