Da’yarka Wacdaraha U Dhigaya Man United Ee Anthony Elanga Oo Ku Dhawaaday In Uu Ku Biiro Koox Weyn Oo Premier League.

Da’yarka Manchester United Anthony Elanga ayaa ku dhawaaday inuu ku biiro kooxda ay xafiiltamaan kooxdiisa haatan ee Man City ka hor inta uusan u dhaqaaqin Old Trafford, sida uu sheegay tababarihiisii ​​hore ee dhalinyarada Ian Forder.

Elanga oo 19 jir ah ayaa 8 kulan u saftay kooxda 1-aad waxana uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee premier League kulankii Brentford ee xalay.

Kadib markii uu u soo wareegay England kana yimid dalkiisa Sweden sanadkii 2013, Elanga ayaa ku biiray kooxda Hattersley fc oo uu tababare u ahaa Forder.

62 jirka ayaa ogaa in xiddiga garabka ka ciyaara uu gaadhi karo heerarka ugu sareeya ee kubada cagta.

Forder ayaa sheegtay in Man City ay tahay kooxdii ugu horeysay ee soo bandhigtay xiisaha ay u qabto saxiixa Elanga ka hor inta ayna Man United la xidhiidhidhin waalida xiddiga.

“Man City ayaa xiiso u muujisay xiddiga markii ugu horaysay waxana uu dhawr tababar tijaabo ah la qaatay”ayuu Forder u sheegay The Sun.

“Waxa aan tababare u ahaa markii uu joogay kooxda 14 jirada waxa aan ogaa in uu yahay xiddig cajiib ah, waxa uu kaligiis dhaafay 7 xiddig oo kooxda kale ah waxana uu dhaliyay gool”ayuu sii raaciyay.

“Mid ka mid ah indha-indheeyayaasha Man United ayaa la hadlay waalidka Elanga waxana ay sidaas Man City ugu garaaceen saxiixa xiddiga”