Da’yarka Liverpool Ee Harvey Elliott Oo Ku Digtay Man United

Xiddiga kooxda Liverpool ee Harvey Elliott ayaa ku digtay kooxda Man United kadib markii uu dhaawacmay qaliinkana lagu sameeyay kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Liverpool ee Leeds United.

Xiddiga Harvey Elliott ayaa ka dhaawacmay kuraanta intii uu socday kulankii Leeds United ee horyaalka premier League ee Axdii dhacay.

Xiddiga reer England ayaa kuraanta ka dhaawacmay waxana lagu sameeyay qaliin uu haatan garoomada uga maqnaan karo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawaca.

Xiddiga Harvey Elliott ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan waxana uu ciyaaray dhamaan kulamadii ay Liverpool ciyaartay premier League ka hor dhaawacii soo gaadhay.

Kadib markii qaliinka lagu sameeyay xiddiga ayaa ku digtay kooxda Man United kadib markii uu taageere United ah fariin u diray kuna digtay xiddiga da’yarka ah.

Taageeraha Man United ayaa u diray Harvey Elliott Fariin u qornayd”Mar dambe si caadi ah uma socon doono kadib dhawaca”.

Laakiin xiddiga da’yarka ah ayaa isla markiiba u jawaabay kuna digtay Man United isaga oo qoray”Fikir waali ah, waxa aan haystaa lugo ka badan koobabka ay Man United ku guulaystay 8-dii sano ee la soo dhaafay”.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*