David Silva & Gabriel Jesus Oo Man City Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Bournemouth

Kooxda Man City ayaa guul ka gaadhay kooxda dhibaatoonaysa ee Bournemouth kulan ka dhacay Etihad Staduim Kulan ay Man City inta badan maamulaysay.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Bournemouth u dagaalamaysay sidii ay usii joogi lahad xilli ciyaareedkan kulankana soo galay iyaga oo guul u baahan.

Laakiin waxa ay ka yimaadeen koox aanay la awood ahayn iyada oo Man City bilowgii ciyaartaba la wareegtay maamulka ciyaarta iyaga oo Bournemouth u diiday in ay kubada helaan.

Man City ayaa wakhti hore goolka 1-aad dhalisay iyaga oo uu daqiiqadii 6-aadba goolka u dhaliyay xiddiga David Silva kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Waxa si weyn loo filayayay in ay Man City sidii caadada ahayd kulamadii ugu dambeeyay ku badiso goolal badan waliba ugu yaraan 5 ama 6 gool marka loo eego sida deg-dega ah ee ay hogaanka ugu qabteen ciyaarta.

Laakiin Bournemouth aya iska caabin fiican samaysay xitaa dhawr jeer ku dhawaatay in ay dhaliso goolka bar-baraha iyaga oo ay ka maqnayd dhamaystirka goolka hortiisa.

Dhanka kale wiilasha Pep Guardiola ayaa sameeyay fursado cajiib ah oo ay ku dhalin kareen goolal laakiin waxa shabaqa ka hor istaagay nasiibka iyo  Goolhayaha kooxda Bournemouth.

Daqiiqadii 39-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City hogaaminayso ciyaarta dhan walba waliba dhalin kartay goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu Guardiola ku soo galay isaga oo Hal il ku haya kulanka Arsenal ee Semi-finalka tartanka FA Cup-ka.

Guardiola ayaa badalay inta badan xiddigaha kooxdiisa muhiimka ah isgaa oo u nasinayay kulanka Arsenal ee FA Cup-ka.

Dhanka kale Bournemouth ayaa dhankeeda raadinaysay in ay daganaanta Man City ka faa’iidaysato iyaga oo ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 87-aad ayay Bournemouth dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo dib u soo nooleeyay rajadooda kulanka iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga David Brooks kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/2.

Wixii intaas ka dmabeeyay Man City ayaa dib u laabatay oo daafac gashay taas oo keentay in ay Bournemouth  weerar qaado.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guul ka gaadhay kooxda Bournemouth  Xilli ay Man City daqiiqadihii dambe ee ciyaarta ku qasbanaatay in ay difaacato goolkeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*