David Seaman: Arsenal Kuma Tartamayso Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Halyeeyga Arsenal David Seaman ayaa aaminsan in ayna kooxdiisii hore diyaar u ahayn in ay u tartanto ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 1-aad ee premier League kadib markii ay ciyaartay 7 kulan ilaa haatan xilli ciyaareedka isla markaas badiyay 6 kulan hal guuldaro-na la kulmay.

“Waxa ay tahay inay hiigsadaan waa wax ka wanaagsan xilli ciyaareedkii hore”ayuu u sheegay Daily Express.

“Laba xilli ciyaareed ka hor waxaan ku dhameysanay kaalinta sideedaad, taasi ma ahayn mid fiican laakiin waxa aan ku jiray wakhti dib u dhis walina kamaanu bixin halkaas, Xilli ciyaareedkan waxa aan sugaynaa 4-ta boos ee ugu sareeya iyo koob”.

“Markaad eegto, wali diyaar uma nihin inaan la tartanno Manchester City iyo Liverpool, Liverpool wakhti xaadirkan waxa ay ku jirtaa wakhti aan fiicnayn laakiin way soo laaban doontaa waxana ay Man City kula tartami doontaa premier Legaue”.

“Wax walba oo ku jira afarta sare, aniga ahaan, waa horumar dhab ah oo ay gaartay Arsenal, marka aad eegto kooxda, waxaa jira isku dhaf wanaagsan, xiddigo khibrad leh iyo xiddigo da’yar ah waana arin wanaagsan waana horumarka uu sameeyay Arteta”.