David De Gea Oo Sabab La Yaab Leh Raali Galin U Siiyay Goolhayihii Hore Ee Peter Schmeichel

Goolhayaha kooxda Man United David De Gea ayaa Goolhayihii hore ee Man United Peter Schmeichel ka raali galiyay in uu dhaafay rikoodh u yaalay kooxda Man United.

De Gea ayaa noqday Xiddiga Ajnabiga ah ee ugu safashada Badan kooxda kooxda Man United isaga oo u ciyaaray kooxda 399 kulan kadib guushii ay United 3/0 uga badisay Aston Villa.

Kulankiisii ugu dambeeyay ayaa la macno ah in uu ciyaaray kulamo ka badan Peter Schmeichel laakiin aan wali jabin rikoodhe Goolhayaha ugu safashada badan taariikhda kooxda.

Rikoodhkaas waxa haysta Alex Stepney kaas oo Man United u saftay 539 kulan laakiin Goolhaye De Gea ayaa ku faraxsnaaa rikoodhkii uu xalay jabiyay.

“Waan ka xumahay, Schmeichel!”Ayuu u sheegay MUTV Isaga oo ka hadlaya rikoodhka”.

“Waxan u malaynayaa arintaas in ay la macno tahay in aan muddo dheer joogay halkan waliba aan si fiican u ciyaarayay waanan ku faraxsanahay”.

“Waan ku faraxsanahay in aan kooxdan u ciyaaro kulamada sidaas u badan”.

“Waxaan rajeynayaa inay jiraan 400 kulan kale oo soo socota sidaa darteed runtii aad ayaan u faraxsanahay”.

Sii Akhriso: Dowlada Federaalka Somalia Oo Xil Muhiim Ah Ka Qabatay Xidhiidhka Jaamacada Carabta Markii Ugu Horaysay 37 Sano Kadib

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*