David Alaba Oo Magacaabay Labadii Xiddig Ee Ku Qanciyay In Uu Ku Biiro Real Madrid.

Xiddiga cusub ee kooxda Real Madrid ee David Alaba ayaa shaaca ka qaaday labada xiddig ee ka dambeeyay go’aankii uu ku doortay ku biiro kooxda Real Madrid.

Xiddiga David Alaba ayaa qaab xor ah ugu biiray kooxda Real madrid kadib markii uu dhacay heshiis uu kula jiray kooxda Bayern Munich.

Xiddiga reer Austria ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan kuwaas oo donayay saxiixiisa laakiin Real Madrid ayaa ugu dambayn ku guulaystay saxiixa xiddiga 29 jirka ah.

David Alaba oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xiddigaha Toni Kroos iyo Marcelo ayaa ahaa labadii xiddi ee ila hadlay ka hor intii aanan go’aanka gaadhin”.

“Intaas kadib dookhayga 1-aad waxa uu ahaa Real Madrid mana jirin koox kale oo aan ka fikirayay”

“Markii uu Dalabku iga soo gaadhay Real Madrid waxa aan ogaaday in aan doonayo in aan ku biiro Real Madrid”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado Ayaa Kaa Caawinaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*