David Alaba Oo Iska Diiday Laba Koox Oo Premier League Ah

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday ku biirista kooxaha Man City & chelsea suuqa xagaaga.

Xiddiga ka ciyaara dhawrka boos ayaa haatanba xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Bayern Munich marka uu dhoco heshiiskiisa kooxdu waxana lala xidhiidhinayaa kooxo aad u badan.

Alaba ayaa haatan heshiis afka ah la sii gali kara kooxaha waaweyn ee reer yurub chelsea ayaana la sheegayaa in ay ka mid tahay kooxaha doonayay saxiixa xiddiga.

Laakiin Sky Germany ayaa sheegaysa in uu Alaba iska diiday ku biirista kooxda Thomas Tuchel sidoo kale ka soo hor jeedo u ciyaarista kooxda Man City.

Kooxda Real Madrid ayaa la aamisanyahay in ay hogamainayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga iyada oo ay haatanba jiraan warar sheegaya in uu xiddigu heshiis shaqsiga ah la gaadhay Los Blancos.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*