David Alaba Oo Iska Diiday Dalab Rasmi Ah Oo Ay Koox Premeir League Ah Miiska U Saartay.

Daafaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday dalab aad u sareeya oo ay Liverpool miiska u saartay isaga oo ka doortay in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer Austria Ayaa qaab xor ah uga tagi doona kooxda Bayern Munich marka uu dhoco heshiiskiisa haatan ee kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa horay loola xidhiidhinayay Alaba oo ka ciyaari kara daafaca garbaha, daafaca dhexe iyo waliba khadka dhexe.

Laakiin saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa sheegaya in uu Alaba iska diiday Liverpool waliba doonayo in uu kaliya ku biiro kooxda Real Madrid.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa soo afjaraya 11 sano oo uu joogay kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu doonayaa in uu ku biiro Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*