David Alaba Oo Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Heshiis La Gaadhay Real Madrid.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa ka hadlay wararka sheegaya in uu heshiis Hordhac ah la gaadhay kooxda Real Madrid si uu xagaaga si xor ah ugu biiro.

Xiddiga reer Austira ee Alaba ayaa ka tagi doona kooxda Bayern Munich marka uu dhoco heshiiskiisa haatan ee kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid kwuaas oo la sheegayo in uu qaab xor ah ugu biiri doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga oo ka hadlaya shirkii jaraa’id ee xulka qarankiisa ka hor kulanka is reeb-reebka koobak adduunka ee ay la ciyaari doonaan Scotland ayaa yidhi”Waxa aan maqlaa warar badan oo ku saabsan mustaqbalkayga”.

“Anigu subax walba ma soo koco kadib ma akhriyo waxa ay wargaysyadu qoraan laakiin haatan arintaas kama fikirayo waxa aan arki doonaa waxa dhaca mustaqbalka haatan waxa aan diirada saarayaa xulka qaranka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*