David Alaba: Ma Doonayn In Aan Real Madrid U Qaato No.4 Laakiin Arintan Ayaa Igu Qasabtay.

Daafaca cusub ee kooxda Real Madrid ee David Alaba ayaa xaqiijiyay in uu ku qasbanaaday in uu xidho No.4-ka real Madrid inkasta oo uuna doonayn sabab la xidhiidha sharciyada u yaala Horyaalka Spain.

Alaba ayaa qaab xor ah ugu soo biiray Real Madrid suuqii xagaaga kadib markii uu dhamaaday heshiiskii Bayern Munich waxana Real Madrid la bilowday xilli ciyaareedka.

Alaba oo la hadlaya wargayska Sports ayaa yidhi’Lambarka No.27 waxa uu ahaa Lambarkii aan ka xidhan jiray Bayern Munich laakiin Horyaalka La Liga lagama xidho Lambarkaas, kooxduna waxa ay doonaysay in aan xidho No.4″.

“Sergio Ramos waa Halyeey Real Madrid ah, waxana uu ahaa xiddig wax badan ku soo bandhigay garoonka sidoo kale ku dayasho mudan laakiin anigu ma doonayo in la i bar-bar dhigo xiddigo kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*