Darren Bent Oo Man United Adeegsaday Sababta Uuna Xilli Ciyaareedka Arsenal Fashil U Ahayn.

Weeraryahankii hore ee Premier League Darren Bent ayaa sheegay in xilli ciyaareedka Arsenal uusan ahayn mid ‘fashil ah’, isagoo tusaale u soo qaatay Manchester United.

Rajadii Arsenal ee u soo bixista champions league ayaa dhimatay kadib markii ay guuldaro 2/0 ah kala kulmeen kooxda Newcastle iyaga oo guuldaro 3/0 ah kala kulmay Tottenham todobaad ka hor.

Arsenal ayaa ku dhawayd in ay soo afjarto 5 sano oo ayna ka ciyaarin champions League laakiin waxa ay ku fashilmeen kulamadii ugu dambeeyay.

Laakiin Bent ayaa sheegay in uuna xilli ciyaareedka Arsenal ahayn mid fashil ah.

“Waxay ahayd wax laga xumaado, nasiib daro Arsenal, markii ay u baahdeen inay muujiyaan dagaan iyo kalsooni laakiin may muujin, qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen 4-tii kulan ee hore waxa uu ahaa mid fiican laakiin kulankii Tottenham iyo kulankii Newcastle ayaa ahaa mid xun”.

“Waxa ay aadeen Tottenham waana la soo garaacay waxa ay ganaax ku waayeen Rob Holding sidoo kale waxa ay galeen rikoodhe xun, kadib waxa ay dhibaatodeen kulankii Newcastle United”.

Isagoo ku adkeysanaya in xilli ciyaareedka Gunners uusan ahayn mid guul darreystay, Bent ayaa intaa ku daray inay horumar ka sameeyeen kaalinta 8-aad ee ay ku dhamaysteen xilli ciyaareedkii hore.

“Dhageyso, maaha xilli ciyaareed fashil ah, Arsenal waxa ay ku jirtay kaalinta 8-aad xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay ku laabteen Europa league sidaas darteed sidee ayuu xilli ciyaareedkoodu fashil u noqonayaa”?.

“Waan ogahay inuu kharash gareeyay lacag badan. Waa kooxda ugu da’da yar Premier League. Waa wax laga xumaado in aanay ka ciyaarin tartanka ugu fiican naadiyada adduunka, laakiin ma ahan fashil”.

Isagoo barbardhigay xilli ciyaareedka Manchester United iyo kan Gunners, Bent ayaa hadalkiisa raaciyay.

“Bal eeg Manchester United…Waxay ku dhameysteen kaalinta labaad xilli ciyaareedkii hore, waxayna hadda u muuqataa inay ku dhameysan doonaan kaalinta lixaad ama toddobaad, ka dib markii ay la soo wareegeen Rapahel Varane, Jadon Sancho iyo Cristiano Ronaldo kaas ayaa ah Fashil”.