Danny Murphy Oo Saadaaliyay Halka Ay Chelsea Iyo Arsenal Kaga Dhamaysan Doonaan Premier League.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Danny Murphy ayaa saadaaliyay in ay kooxaha Arsenal iyo Chelsea u soo bixi karaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Frank Lampard ayaa kaalinta 4-aad waxan ay xagaagii sameeyeen saxiixyo badan iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha ay ka midka yihiin Timo Werner, Kai Havertz iyo xiddigo kale.

Kooxda Arsenal ayaa dhanka kale kaalinta 8-aad kaga dhamaystay horyaalka Premier League halka ay sidoo kale ku guulaysteen tartanka FA Cup-ka.

Murphy ayaa sheegay in uu cadaadis badan saaranyahay Lampard marka loo bar-bar dhigo Mikel Arteta sabab la xidhiidha lacagta ay galiyeen suuqa.

“Shaki la’aan waxa uu cadaadis saaran yahay Lampard waxana laga doonayaa in uu koob ku hogaamiyo kooxda xilli ciyaareedkan kadib lacagtii ay suuqa galiyeen”.

“Laakiin chelsea waxa ay haystaa xiddigo fiican mana jiro mar-marsiyo uu koobab ugu hogaamin waayo kooxda”.

“Waxa dhibay dhaawacyo tan ilaa bilowdii xilli ciyaareedkan laakiin waxa aan hubaa in ay chelsea u soo bixi doonto premier League.

Murphy ayaa dhanka kale saadaaliyay in ay Arsenal u soo bixi karto kaalinta 4-aad waliba ka sare mari doonto kooxaha Tottenham iyo Man United.

“Run ahaantii wan la dhacay Mikel Arteta iyo waxa uu ka qabtay Arsenal waliba wakhti aad u yar”.

“Arsenal ayaa noqon doonta lama filaanka Arsenal ee xilli ciyaareedkan waxana aan filayaa in ay Man United iyo Tottenham ku garaacdo kaalinta 4-aad”.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*