Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Liverpool, Danny Murphy, ayaa saadaaliyay in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Murphy ayaa sheegay in Gunners ay ka qaadi doonaan horyaalka ragga uu hoggaamiyo Arne Slot xilli ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaminsan yahay in Paris Saint-Germain ay difaacan doonto koobkeeda Champions League.
Arsenal ayaa haatan saddex dhibcood ku hogaamineysa horyaalka Premier League kadib siddeed kulan.
Liverpool ayaa afar dhibcood ka dambeysa Arsenal, kadib markii ay saddex kulan oo xiriir ah guuldarreysteen.
Arrintaas ayaa keentay in Danny Murphy uu rumaysto in kooxda uu hogaamiyo Mikel Arteta ay markoodii ugu horreysay tan iyo 2004 ku guuleysan doonaan horyaalka.
“Haa, hadda waan aaminsanahay,” ayuu Murphy u sheegay talkSPORT markii la weydiiyay haddii uu dareemayo in Arsenal ay qaadi doonto horyaalka.
“Waxaan u maleynayaa inay Arsenal ku guuleysan doonto Premier League. Champions League-ga… PSG marka ciyaartoydoodu dhammaantood caafimaad qabaan, waa heer kale oo ka sarreeya.”
Be the first to comment