Danny Mills Oo Digniin U Diray Raphael Varane Kadib Markii Uu Ku Biiray Man United.

Daaficii hore ee England Danny Mills ayaa uga digay Raphael Varane inuu waqti qaadan doono si uu ula qabsado kubada cagta Ingariiska isla markaana uusan u ciyaari karin sidii markii uu joogay Real Madrid.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa ku soo biiray Man United kadib markii ay Red Devils xaqiijisay in ay Real Madrid kala heshiisay saxiixa xiddiga.

Varane ayaa la filayaa in uu si toos ah ugu bilowdo shaxda Man United kana garab ciyaaro Harry Maguire xilli Man United isku diyaarinayso in ay u tartanto premier League xilli ciyaareedka cusub.

Mills o ka soo ciyaaray premier League ayaa sheegay in uu Varane u baahnaan doono wakhti uu kula qabsado ciyaar awoodeedka iyo orodka premier League.

“Waan ognahay cida uu yahay, waan ognahay awoodiisa iyo in uu yahay xiddig tayo cajiib ah leh”ayuu Mills u sheegay Sky Sports News

“Sida iska cad waxa uu sanadihii ugu dambeeyay ka soo garab ciyaaray Sergio Ramos, waxana ay ku qaadan doontaa wakhti si uu ula qabsado jawiga manchester iyo waliba Premier League”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sifooyinka Gabadha Quruxda Badan Ee Ay Raggu Ka Baxsadaan, Hadii Gabadhu Leedahay Sifooyinkan Ma Jiro Nin U Istaagaya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*