Danny Ings Oo Qaaday Talaabo Heeggan Gilineysa Kooxaha United Iyo City Ee U Waashay Saxiixiisa

Danny Ings oo ka tirsan Southampton ayaa ka mid ah xiddiagaha sida weyn xagaagaan looga doonayo suuqa kala iibsiga

Haatan , waxaa la xaqiijiyay in uu diiday isku daydada kooxdiisa ee ku aadan in hishiis cusub kaga saxiixdaan wax ayna tani micnaheedu tahay in laacibka u badan tahay in xagaagaan uu baxo.

Hishiiska 28 sani jirkaan ee Southampton ayqa dhacaya xagaaga 2022-ka , sidaa darteed waxa ay kooxdiisa ku qasban tahay in ay dhageystaan dalabyada laga keenayo halka qaab xor ah uu ku bixi lahaa marka xilli ciyaareedka cusub uu dhamaado.

Sky Sport ayaa sheegeysa in Southamptoon u bandhigeen Danny Ings hishiis cusub oo gaaraya muddo afar sano ah  balse laacibka uu gaashaanka u daruuray arintaas

Southampton waxa ay u badan tahay in laacibka ku iibiyaan aduun u dhaxeysa 25 illaa 30 milyan oo gini

Arintaan waxa ay heeggan buuxa gilineysaa kooxaha Man United iyo City oo aad u muujiyay rabitaankooda ku aadan xiddigaan afka hore ka ciyaara

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*