Daniel James Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United Kadib Dalabkii Leeds United.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man United ee Daniel James ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxda Man United kadib markii ay Leeds Dalab Rasmi ah ka soo gudbisay.

Xiddiga reer Wales ayaa si fiican ku bilowday noloshiisa United bilowgii xilli ciyaareedkii hore laakiin haatan waxa uu hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa.

Xiddiga ayaan haatan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda 1-aad ee Man United taas oo keentay in ay Leeds United dalab ka soo gudbiso.

Laakiin Sky Sport ayaa sheegaysa in uu xiddiga da’yarka ah iska diiday in uu ku biiro kooxda Leeds United isaga oo go’aansaday in uu u dagaalamo booskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*