Daniel Ek Oo Isku Diyaarinaya Dalab Cusub Oo Uu Ku Doonayo In Uu Iibsado Arsenal.

Agaasimaha guud ee Spotify Daniel Ek ayaa lagu soo waramayaa inuu qorsheynayo isku day labaad oo uu ku doonayo inuu ku iibsado kooxda Arsenal.

Kadib fashilkii ay kooxdu ku fashilantay ka qayb galkii tartanka European Super League Taageerayaasha Arsenal ayaa si joogto ah uga soo hor jeeday milkiilayaasha kooxda.

Daniel EK oo ah taageere Arsenal ah ayaa si cad u qirtay in uu doonayo in uu la wareegto kooxda Arsenal waxana uu ku fashilmay dalab furitaan ah oo dhan 1.8 bilyan euro.

Laakiin wargayska Daily Mail ayaa haatan sheegaya in uu Daniel EK diyaarinayo dalab cusub oo kale kaas oo dhan 2 bilyan oo euro si uu ula wareego maamulka kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa ku fashilantay in ay u soo baxaan tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe iyaga oo kaalinta 8-aad kaga dhamaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*