Dani Olmo Oo Ka Jawaabay Xiisaha Barcelona Ee Saxiixiisa

Dani Olmo ayaa ku adkeystay inuu iska indha tirayo wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan inuu ku laaban karo Barcelona, ​​iyadoo weeraryahanka uu si buuxda diirada u saaray xilli ciyaareedka RB Leipzig.

Xiddiga reer Spain ayaa u ciyaaray Barcelona intii u dhexaysay 2007 ilaa 2014 ka hor inta uuna u dhaqaaqin kooxda Dinamo Zagreb, halkaasoo uu u saftay 124 kulan ka hor inta uusan imaan Leipzig.

23 jirkaan ayaa dhaliyay 12 gool waxaana uu caawiyay 13 caawin 61 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan, Barcelona ayaana la sheegay inay dooneyso inay dib ula soo saxiixato xiddiga suuqa Janaury ama xagaaga dambe.

Si kasta ha ahaatee Olmo ayaa fariin u diray Barcelona isaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Leipzig waliba uuna ka fikirayn in uu ku laabto Barcelona.

“Barcelona? Haatan waxaan diirada saarayaa xilli ciyaareedka Leipzig, waan ku faraxsanahay halkan, mana jirto wakhti aan xitaa ka fikiray wararka ku saabsan mustaqbalkayga”Olmo ayaa u sheegay Suddeutsche Zeitung.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*